1812 Views

Ciidanka Liyuu Boolis Oo Soo Daayay Dadkii Iyo Gaadiidkii Ay Ka Afduubteen G/Hiiraan

Ciidanka Liyuu Boolis Oo Soo Daayay Dadkii Iyo Gaadiidkii Ay Ka Afduubteen G/Hiiraan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 06,, 2019  –War Goordhow soo gaaray Radio Dalsan ayaa waxaa uu sheegayaa in la soo daayay dadkii iyo gaadiidkii shalay Ciidanka Liyuu Boolis ay ka kaxeeysteen deegaan dhaca duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

 

Wariyaha warbaahinta Dalsan ee ku sugan Baladweyne Mustaf Cali Cadow ayaa xaqiijiyay in 6 Ruux oo beeraley ahaa iyo 5 gaadiid oo ay Ciidanka Liyuu Boolis wateen la soo daayay,isla markaana ay dib uga soo laabteen deegaankii marka hore laga watay

Shalay ayaa Ciidankaas oo ka yimid dhinaca dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa ay Deegaanka Xuday Wagle oo qaiyaastii 35-KM dhanka Waqooyi ka xiga Magaalada Baladweyn ka Afduubteen dad beeraley ah iyo Gaadiid nooca loo yaqaano Cagaf Cagafta.

 

Weli ma jiro war ah oo ka soo baxay maamulka Gobolka Hiiraan oo ay uga hadlayaan arrintaan,hayeeshee waarrka qaar ayaa waxaa  sheegayaan in Saacadaha soo socda ay ka hadli doonaan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment