951 Views

Diyaaradaha Ciidamada Kenya oo saakay Mar kale Duqeeyay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Diyaaradaha Ciidamada Kenya oo saakay Mar kale Duqeeyay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
____________________________________________________________________________


Arbaco: September 29, 2021

Wararka ka imaanaya saakay Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay mar kale saakay Duqayn ka geesteen  shacabka degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in Duqayntaas ay ka dhalatay qasaare aan la shaacin maadaama saacado ka hor ay dhacday duqayntaas, waxaana halkaas laga soo sheegayaa in ay jiraan qasaare Xoogan oo soo gaaray dad Xoolo dhaqato ah.

Dowladda Kenya ayaa todobaadkan duqaymo dhawr ah ka fulisay Gobolka Gedo gaar ahaanna miyiga degmada Ceelwaaq kuwaas oo khasaare u gaystay dadka Rayidka ah.

Sidoo kale Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin duqaymaha ka dhacay Gobolkaas oo Kenya sheegtay in lagu beegsaday Al-shabaab.

Office Nairobi kennya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post