1596 Views

Ra’iisul Wasaare Rooble oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Dhuusaareeb

Ra’iisul Wasaare Rooble oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Dhuusaareeb
____________________________________________________________________________

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Galabta waxaa ay gaareen Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug

Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Guddoonka Barlamaanka Galmudug ,mas’uuliyiin iyo dadweyne badan oo ka kala yimid xafadaha Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaaruhu Inta uu joogo Dhuusamareeb waxa uu kulammo la yeelan doonaa madaxda Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo uu kala hadli doono arrimaha doorashooyinka, nabadeynta iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Sidoo kale waxaa uu kulan la qaadan doonaa Madaxweynaha Galmudug, isaga oo booqan doona Xarunta loogu talo galay in lagu qabto doorashada Golaha Shacabka ee Magaalada Dhuusamareeb.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa markii uu soo geba-gabeeyo safarkiisa degaannada Galmudug waxaa uu u gudbi doonaa degaannada Dowlad Goboleedka Puntland.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post