1182 Views

Twitter oo Xannibtay Akoonka Koox Mucaarad ah

Twitter oo Xannibtay Akoonka Koox Mucaarad ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 08, 2019–Shirkadda Twitter ayaa xirtay akoonnada koox mucaarad ku ah dowladda Iiraan oo fadhigoodu yahay Mareykanka iyo taageerayaashooda, kuwaasi oo lagu eedeeyey in ay ku xad-gudbeen shuruucda shirkadda Twitter-ka.

 

Akoon ay barta Twitter-ka ku lahayd ururka the Organization of Iranian American Communities oo loo soo gaabiyo OIAC oo ah hay’ad taageerta waxay ugu yeerto “halganka isbadalka dimuqraadiyadda” ayaa la xiray Arbacadii. Akoonkan ayaa waxaa ku tixnaa in ka badan lix kun oo qof.

 

 

 

OIAC ayaa ka war heshay in bartoodii Twitter-ka la xiray xilli ay ku guda jireen kulan ay soo agaasintay hay’addu oo ka socday xafiiska golaha senate-ka ee Dirkson ee magaalada Washington, kaasi oo looga hadlaayay waxa ay hay’aadu ugu yeertay “kororka caburinta gudaha iyo gardarrada gobolka ee Tehran.”

 

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay Ted Cruz iyo John Boozman oo ah laba senetaor oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga.

 

Alex Arzabak oo ka tirsan xubnaha OIAC oo la hadlay laanta Persian eeVOA ayaa sheegay in kooxdooda warbaahinta bulshada u qaabilsan ay ka war heshay in akoonkooda guud ee ururka la xiray xilli ay damacsanaayeen in ay faafiyaan warbixinnada la xiriira kulankaasi.

 

Arbazak ayaa sheegay in ay tahay markii u horreysay ee ay shirkadda Twitter xirto akoonka guud ee OIAC.

 

Arzabak iyo laba haween ah oo kale oo iyana akoonadooda Twitter-ka la xiray ayaa sheegay inaan loo sii sheegin in akoonnadooda la xiri doono iyo iney ku xadgudbeen sharciyada guud ee shirkadda Twitter-ka.

 

Waxay kaloo sheegeen iney tuhmayaan in akoonnadooda loo xiray ka dib cabasho ka timid dowladda Iiraan iyo taageerayaasheeda.

 

Shirkadda Twitter oo ay la xiriirtay laanta Persian-ka ee VOA ayaa diiday iney ka hadasho xannibaaddan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment