807 Views

Idaacadda VOA oo maanta 80 sano jirsatay

____________________________________________________________________________

Talaado: February 1, 2022

Idaacaddan VOA-da ayaa maanta oo ay ku beegantahay 1 bisha February sanadka 2022-ka u dabaal degeysa 80-aad guuradii ka soo wareegtay markii la aas aasay.

Kowdii bishii February sanadkii 1942, wax ka yar laba bilood ka dib markii Mareykanka uu ku biiray dagaalkii labaad ee dunida, ayey VOA-du hawada gelisay tebinteedii ugu horeysay oo laga dhageysanayay Qaaradda Yurub.

Wariyihii ku dhawaaqayay in idaacaddu hawada soo gashay oo la oran jiray William Harlan Hale ayaa ku furay idaacadda barnaamij Afka Jarmalka ku baxayay, isagoo ku bilaabay:

“Maanta waxaanu idiin sidnaa codad idinkaga imaanaya America. Laga bilaabo maanta waxaan idin soo gudbin doonaa wararkiina, wararka dagaalka la xiriira iyo kan America. waxaa laga yaabaa warka aan idiin soo tabineyno inuu yahay mid noo xun, waxaana dhici karta inuu mid noo wanaagsan yahay, laakiin runta ayaanu idiin sheegi doonaa ”

Fariimaha la midka ah middii Wariye William Harlan oo kaga dhawaaqay idaacaddan 80 sanadood kahor, weli waxay laf dhabar u yihiin sidaayassadda ay ku howlgasho VOA-da, oo hoosta ka xariiqeysa soo gudbinta warar suggan oo xaqiiqo ah oo la gaarsiiyo dadka aan fursadda u heli karim ama galaangalka yar u leh wararka.

VOA-da ayaa sanadkan ugu dabaal degeysa iyadoo jadwalka taariikhda Milaadiga ku daabacday sawirada wariyeyaasheeda wararka ka soo tebiya goobo kale duwan oo dibadda ah iyo kuwa wararka ka soo tebiya xafiiska VOA-da ee Washington.

VOA waa hey’adda ugu balaaran ee wararka dibadda ee Mareykanka, iyadoo wararka ku baahisa in ka badan 40 luuqadood. Waxaa dhageysata todobaadkii dhageysatayaal lagu qiyaasay 311 malyuun oo qof oo dunida oo dhan ku nool.

Waxay wararka iyo barnaamijyada ku baahisaa Internet-ka, Telefishin, baraha bulshada, iyadoo sidoo kale sii marsiisay qadka Dayax gacmeedka, FM-yada iyo Muujadaha gaagaaban iyo shabakado gaaraya 3,500 oo xiriir wada shaqeyn uu kala dhaxeeyo VOA-da.

Tan iyo markii la aas aasay 1942-kii, waxay ka shaqeyneysay soo tebinta wararka la xiira dagaalada dunida, Argagixisada, Waxbarashada Caafimaadka, dhaqaalaha iyo halganka loogu jiro difaaca xuquuqda dadka iyo xoriyatul qowlka.

Waxay ka mid tahay Shan hey’adood oo ay maamusho hey’adda USAGM oo ah hey’adda Mareykanka u qaabilsan warbaahinta madaniga ah ee caalamiga ah ee Mareykanka.

Waxaa qarash ku baxa ansixiya sanad walba Congress-ka Mareykanka, laakiin waxay ku shaqeysaa madaxbanaani uu siinayo sharci uu Congress-ka Mareykanku ansixiyay sanadkii 1994-tii, kaasoo idaacadda, iyo wariyeyaasheedaba ka difaacaya faragelin kaga timaada madaxdaxda Mareykanka iyo siyaasadda.

VOA Somali

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post