372 Views

Muqdisho : Xoriyadda ayay nin iyo xaaskiis ku ahaayeen, xabsigana waa is la galeen

Muqdisho : Xoriyadda ayay nin iyo xaaskiis ku ahaayeen, xabsigana waa is la galeen
____________________________________________________________________________

Sabti: June 18, 2022

 

Sida ay qortay warbaahinta qaranka ee dowlada Soomaliaya, Dayib Macalim Maxamed Xasan iyo Xaliimo Cabdi Mursal Ibraahim ayaa loo wada haystaa in ay ka tirsan yihii Daacish.

Dayib ayaa ku eedeysan samaynta Qaraxyada halka Xaliimo ay ahayd soo dhawaynta Maleeshiyada Daacish iyo kaydinta Hubka , waxaana eedeysanayaasha la xiray bishii March ee Sanadkan.

05-tii May ayaa lagu xeray xabsiga dhexe Garsuga ahaan, isla xilligaas Garsoorka ayaa ka dalbaday xeer Ilaalinta in ay la yimaadaan cadaymo dhamaystiran oo lagu maxkamadayn karo Dayib Macalim Maxamed Xasan iyo Xaliimo Cabdi Mursal Ibraahim.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa baaritaan dheer kadib maxkamadda ciidamada waydiistay in la maxkamadeeyo raggan billowgii June, isla xilligaas ayay maxkamadda aqbashay dhegeysiga dacwadda laba eedeysane.

Dhowr fadhi kadib maxkamadda ayaa kuwada xukuntay min 15-sano oo Dayib Macalim Maxamed Xasan iyo Xaliimo Cabdi Mursal Ibraahim, sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan maxkamadda ciidamada Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post