1620 Views

Sacuudiga oo sheegtay in duqeymo ka dhacay Marib lagu dilay 115 ka tirsan kooxda Xuutiyiinta Yemen

Sacuudiga oo sheegtay in  duqeymo ka dhacay Marib lagu dilay 115 ka tirsan kooxda Xuutiyiinta Yemen
____________________________________________________________________________


Khamiis: November 4, 2021

Sida ay shaacisay Warbaahinta dalka Boqortooyada Sacuudiga dagaalo xoogan iyo duqeymo ka dhacay magaalada Marib 24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa lagu dilay 115 ka tirsan kooxda Xuutiyiinta Yemen.

isbaheysiga Carabta ee taageeraya dowladda Yemen ayaa weeraro xagga cirka ah oo ay ka geysteen dalkaasi saddexdii todobaad ee la soo dhaafay ku dilay 2,600 oo qof

“Gaadiidka dagaalka 14 ka mid ah ayaa la burburiyay, halka 115 ka mid ah kooxda Xuutiyiinta lagu dilay weerarka 24-kii saac ee la soo dhaafay duqeymo ka dhacay degmada Sirwah, ee magaalada Marib ee Waqooyiga Gobolka Al-Jawf”. Ayaa lagu sheegay bayaan ka soo baxay boqortooyada Sacuudiga.

Xigasho:

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post