4464 Views

Warshad samaysa Tuutaha Ciidanka oo laga dhisayo Soomaaliya

Warshad samaysa Tuutaha Ciidanka oo laga dhisayo Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 06 January 2016: Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini oo ah Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa maanta dhagax dhigay Warshad casri ah oo samayn doonta labiska Ciidanka Qalabka sida, waxana sidoo kale  furitaanka Warshaddan goob-joog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda.

Warshaddan oo dhismaheeda ay gacan ka siinayso dawladda Soomaaliya dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga, waxa ay ciidamada ka haqab tiraysaa baahida labiska taasi oo keenaysa in laga maarmo labisyada kala duuwan oo haatan la isticmaalo marar badana cadowga ku fuliyo weeraro.

Waxana Wasiirku uu sheegay in lixda bilood ee ugu horeysa sanadka cusub uu ku soo gaba-gaboobi doono mashruucan. “Maanta waa maalin taariikhi ah waxaan dhagax dhignay warshaddii Ciidamadda u talo lahayd dharka, waxaan rajeynayaa in warshadani ay anfacdo dalka oo dhan. Warshaddan waxaa noogu deeqay dawladda Turkiga oo mahad uga celinayno” ayuu yiri Wasiir Diini.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii ay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed  u heli lahaayeen dhammaan agabka ay u baahan yihiin si ay dalka guud ahaan u sugaan ammaankiisa.

Iyadoo sanadka cusub ee 2016 uu noqon doono mid isbadal ballaaran lagu sameyn doono Ciidanka iyo qalabeyntooda.

d7

d63

d41

.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment