750 Views

Mareykanka oo Iran uga digay inuu weligii furnaa doonin albaabka diblumaasiyadda

Mareykanka oo Iran uga digay inuu weligii furnaa doonin albaabka diblumaasiyadda
____________________________________________________________________________

Jimco: August 6, 2021

Mareykanka ayaa ugu baaqay madaxweynaha cusub ee Iran inuu dib ugu soo laabto wadahadallada dib looga soo nooleynayo heshiiskii taariikhiga ahaa ee Niyukilarka.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ka digay inuu weligii sii furnaan doonin albaabka diblumaasiyadda.

Xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Iran ayaa cirka isku sii shareertay wixi ka dambeeyey 2018-kii, kaddib marki uu madaxweyne Donald Trump uu ka baxay heshiiski Niyukilarka cunaqabateynkana uu dib u soo celiyey.

Ibrahim Ra’isi oo xilka madaxweynanimada Khamiisti shalay ahayd loo dhaariyey ayaa sheegay inuu taageerayo ‘qorsha kasta oo diblumaasiyadeed’ oo soo afjarayo cunaqabateynka.

“Cunaqabateyn kasta oo sharci darra ah uu Mareykanku qaranka Iran uu saaray waa in la qaadaa” ayuu yiri.

Waddamada reer Galbeedka Iran waxay ku eedeeyaan iney isku dayeyso iney sameysato hubka Niyukilarka, inkasta oo ay Tehran eeddaasi diidday.

Heshiiski 2015-ka ay wada galeen Iran iyo lixda dal ee kala ah Mareykanka, Ingiriska, Faransiiska, Shiinaha, Ruushka iyo Jarmalka ayaa u muuqday mid joojinayo howlaha niyukilarka si meesha looga saaro cunaqabateynka dhaqaale ee dhaqaalaha dalka Iran saameeyey. Balse Iran ayaa dib u billowday howaha Niyukilarka ee laga mamnuucay kaddiba marki uu Trump heshiiska ka baxay.

Wadaxaajoodyo caqabado badan ay ku gadaaman yihiin ayaa ka dhacay caasimadda Vienna, una dhaxeeyey Iran iyo dalalka kale ee weli heshiiska qaybta ka ah oo isku dayay isku dayaya sidi heshiiskaasi dib looga soo nooleyn lahaa si Iran cunaqabateynka looga qaado. Si kastaba ha ahaatee wadahadalka ayaa dhowr toddobaad taagan..

Hadal uu Ra’isi ka sheegay xafladdiisa caleema saarka kaddib, afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda Ned Price oo warfidiyeennada la hadlay wuxu yiri: “Iran waxaan ugu baaqeynaa iney si degdeg ah heshiiska ugu soo laabato si aan howlaha harsan u soo gabagabeyno”.

“Farriinta aan u direyno madaxweyne Ra’isi waxay la mid tahay farriinti aan u diri jirnay madaxweynihi xilka kaga horreeyey…Mareykanka wuxuu marweliba sii wadi doonaa difaacidda amniga qarankeeda iyo tan waddamada ay bahwadaagta yihiin. Waxaanna rajeyneynaa Iran iney ka faa’ideysaneyso fursadda jirta si loo helo xal diblumaasiyadeed,” ayuu sii raaciyey.

Balse wuxuu intaa ku daray: “Marxaladdan iney noqon doonin mid iska sii socota.”

Madaxweyne Ra’isi oo lagu tilmaamo inuu yahay wadaad mayal adag ayaa ka guuleystay Xasan Ruuxaani oo ay reer galbeedka u arkeen inuu yahay qunyar-socod.

Odaygan 60 jirka ah oo aad ugu dhow hoggaamiyaha sare ee ruuxiga ee Iran, Aayatullaah Cali Khameyni, waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay qofki beddeli lahaa.

Caqaadaha waaweyn uu wajahayo madaxweynaha cusub waxaa ka mid ah dhaqaalo sabbeynaya, taasoo u horseedday niyadjab dadka reer Iran ee caadiga ah oo dareemaya inuu sare u kac aad u weyn u ku yimid qiimaha maciishadda.. Iran ayaa sida oo kale Mareykanka ku eedeysay dawo yarida dalkaasi soo food saaartay inuu sababay cunaqabateynka Mareykanka uu dalkaasi saaray.

Dhibaatooyinka dhaqaalana dalka Iran waxaa u dheer dagaalka uu kula jiro cudurka safmarka ee Coronavirus. Cudurkaasi oo dalka Iran fara ba’an ku haya si weyna u saameeyey iyada oo seddexdi maalmood ee la soo dhaafay oo keli ah la diiwaangeliyey tirada abid ugu badneyd uu cudurka soo ritay.

Sida oo kale Iran waxaa ruuxay mudaharaadyo ballaadhan oo ka dhacay Koonfurta-galbeed ee dalkasi, mudaharaadyadaasi oo ay shacabku kaga cabanayaan biya yari baahsan oo soo food saartay.

Ra’isi oo horay u soo ahaa madaxa garsoorka ayaa si weyn loogu dhaleeceeyaa diiwaanka xuquuda aadanaha ee laga haya. Kooxaha u dooda xuquuqda adanaha waxay Ra’isi ku eedeeyaan inuu ku lug lahaa dilki 1988-kii loo geystay kumannaan maxabiis siyaasadeed oo xukun dil ah lagu fuliyey.

Ra’isi ayaa ka mid ahaa afar garsoore oo fadhi maxkamadeed oo qarsoodi ah hoggaaminayey garsoorayashaasi oo loo yaqaanno “Guddiga Geerida” oo maxabista xukunka dilka ah ku rido. Wuxuuna sheegay xukunnada ay fuliyeen iney ahaayeen kuwa xaq ah maxaa yeelay hogaamiyaha sare ee Ruuxiga Aayatullaah Ruhollah Khomeini ayaa soo saaray fatwo ama xukun diimeed.

Mareykanka ayaa Ra’isi 2019-kii saaray cunaqabetyn ku aaddan eedaha xuquuqda aadanaha ee loo soo jeediyey.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post