318 Views

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay dadkii Shabaab ku laayeen gobolka Hiiraan

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay dadkii Shabaab ku laayeen gobolka Hiiraan
____________________________________________________________________________

Sabti: SEPTEMBER 3, 2022

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay falkii Al- shabaab ku dileen saaka waabarigii dad rayad ah oo ka baxay magaalada Baladweyne kuna sii jeeday degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa dhacdadaas ku tilmaamay fal arxan darro ah oo aan sal iyo raad toonna ku lahayn diinta Islaamka.

Warkaan ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadayso tallaabooyin degdeg ah oo lagu beegsanayo Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa Al-shabaab ku eedeyay in ay ka soo horjeedaan nolasha iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed,isaga oo shacabka ugu baaqay in ay garab siiyaan ciidamada dowladda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post