774 Views

Sanbaloolshe oo beeniyay War ay ka faafiyeen taageerayaasha Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Farmaajo

Sanbaloolshe oo beeniyay War ay ka faafiyeen taageerayaasha Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Farmaajo
____________________________________________________________________________

April 21-2021

Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa beeniyay War ay ka faafiyeen taageerayaasha Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo.

Warkan oo ku saabsanaa inuu Sanbaloolshe si weyn u dhaliilay Musharixiinta Mucaaradka ayaa si weyn baraha bulshada waxaa tan iyo xalay ku faafinayey tageerayaasha Farmaajo ee loo yaqaan CBB, iyagoo ku soo beegay dood xalay ka dhacday Barta Club House.

“Waxaan arkay warar meelaha lagu soo qoray oo sheegaya in aan si aad ah u dhaliilay mucaaradka isla markaasna aan ku baaqay in Farmajo iska jooga waxaan cadeynayaa in uu warkaasi yahay waxba kama jiraan iyo been abuura la iga faafiyey”. ayuu yiri Sanbaloolshe oo farriin soo dhigay bartiisa FB.

Sanbaloolshe Wuxu sheegay in Mowqifkiisa Farmaajo uu yahay mid cad, isla markaana uu ka horjeedo xukun boobka Maxamed Farmaajo, wuxuuna farriintiisa kusoo gabagabeeyay. “Aniga mowqifkeygu waa cadyahay oo waa in Farmajo iyo damaciisa xukun boob ka ah dalka laga badaadiyo oo si cad oo aan gambasho la heyn looga hor yimaado. Waxaan si weyn u boogaadinayaa una taagerysanahay mowqifka mucaaradka iyo go-aanka shir weynaha Hawiye ee maanta lagu qabtay muqdisho oo hal ku dhiigiisa ahaa no extension”.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post