870 Views

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS oo ka qeyb galay Shir ay ku qabaneysay Ururka Carabta ee Horumarinta Beeraha Wadanka Mooritaaniya.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS oo  ka qeyb galay Shir ay ku qabaneysay Ururka Carabta ee Horumarinta Beeraha Wadanka Mooritaaniya.
____________________________________________________________________________

 

 

Talaado: April 19, 2022

Wafdi uu hogaaminaayo Saciid Xuseen Ciid, Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, ayaa ka qeyb galay Shir ay ku qabaneysay Ururka Carabta ee Horumarinta Beeraha Wadanka Mooritaaniya.

Shirka waxaa ka qeyb galay Wasiirada Wasaaradaha Beeraha ee Carabta Madaxda Ururka Carabta ee Horumarinta Beeraha, Jaamacadda Carabta, Safiirada Dowladaha Carabta iyo wakiilo ka socday Wasaaradaha Beeraha ee Dowladaha Carabta.

Waxaa shirka shir guddoonka ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Saciid Xuseen Ciid, taas oo ah mid nasiib wanaag ah oo Soomaaliya loogu doortay inay qabato shirka Guddoonka Golaha Guud ee Ururka Carabta ee Horumarinta Beeraha ee Jaamacadda Carabta. Iyadoo wasiir Saciid uu xilkaas kala wareegay Wasiirka Wasaaradda Beeraha ee Dalka Mooritaaniya oo horay hogaanka u haayay.

Office Nairobi Kenya



_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post