204 Views

Dhacdooyinkii laga diiwaan galiyay Koobka Adduunka ee lagu soo gabagabeeyay Dalka Qatar

Dhacdooyinkii laga diiwaan galiyay Koobka Adduunka ee lagu soo gabagabeeyay Dalka Qatar
____________________________________________________________________________

Waxa Xalay Dalka Qatar lagu soo gabagabeeyay dhacdada kubad cagta ugu weyna Adduunka ee loo yaqaan Koobka Adduunka kaas oo ka socday Dalka Qatar oo ahaa dalka martigalinayay Koobkaan sanadka 2022-ka.

Koobka oo socday 28 maalmood ayaa waxaa ka qeyb galay 32 Waddan oo ka kala socday Waddama Caalamka, waxaa ka ciyaaray 64 kulan, finaalka ayaa waxaa isugu imaaday dalalka Argentine iyo France oo ay guushu ku raacday Xulka Argentine oo 4 iyo 2 kaga adkaaday ciyaar la isla gaaray gool ku laad.

Inta uu socday Koobka sanadkan waxaa ka dhashay 172 gool, kaas oo noqonaya koobkii ugu goolasha badnaa abid, sanadihii 1998 iyo 2014 ayaa la dhaliyay 171 gool. Ciyaaryahaanka u ciyaarada xulka France ee Mbappe ayaa noday laacibkii labaad ee finalka ka dhaliya 3 gool, iyada oo 1966-kii sidaan oo kale uu sameeyay Geof Hurst oo u dhashay dalka Ingiriis.

Xulka dalka Argentine ee ku guulaystay koobka adduunka ayaa la siinayaa abaal marin lacageed oo gaaraysa illaa $42 milyan oo dollar oo loo marinayo xiriirkooda kubadda cagta, halka xulka Faransiiska oo isagu galay kaalinta labaad uu heli doona $30 milyan oo dollar, oo ay ka helayaan lacagaha abaalmarinta ah ee ay bixinayso FIFA sannadkan, kuwaas oo gaaraya $440 milyan oo dollar.

Sannadkii 2018, waxaa xulka Faransiiska ee ku guulaystay koobka adduunka la siiyey $38 milyan oo dollar oo laga siiyey sanduuqa abaal marinta lacagaha ee FIFA, iyada oo sannadkaas guud ahaan lacagaha abaal marinta ah ee la bixiyey ay gaadhayeen illaa $400 milyan oo dollar.

Dakhliga FIFA ee afartii sano ee la soo dhaafay ayaa wuxuu ahaa $7.5 bilyan dollar, kaas oo intiisa badan ay ka heshay dhinaca baahinta ciyaaraha, Sponsorships, iibinta tikidhada iyo adeegyada martigelinta.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post