1125 Views

Soomaali ku geeriyootay Shil Gaari oo ka dhacay Uganda

Soomaali ku geeriyootay Shil Gaari oo ka dhacay Uganda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 31, 2019 — Shilkaan gaari oo ay ku geeriyoodeen laba ruux oo Soomaali ah ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 4  kale,waxaana uu ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Mbarara oo ah Caasimadda labaad ee Dalka Uganda iyo Masaka.

 

Dadka dhintay ayaa ka dambeysay, kadib markii uu la rogmaday Gaari yar oo ah nooca Toyota Wish oo ay wateen,waxaana labada ruux oo shilkaasi ku geeriyooday Magacyadooda lagu kala sheegay Cumar Cigale Waydoow iyo Aweys Aadan Cabdi ( Aweys Gaab ).

 

Ciidamo katirsan booliska dalka Uganda iyo dadweyne kale ayaa tegay halka uu shilka gaari ka dhacay,kuwaas oo goobta kasoo qaaday meydadka labada ruux ee Soomaalida ah.

 

Ehelada labada ruux ee Shilka ku geeriyooday ayaa waxaa ay sheegeen inay ka yimaadeen deegaanla Nakivali oo ay ku badan tahay Soomaalida ee dalka Uganda kuna wajahnaayeen Magaalada Kampala oo eheladooda ay degan yihiin si ay u soo salaamaan,hayeeshee ay dhibaatadaasi la kulmeen.

 

Saraakiil katirsan booliska Uganda ayaa dhankooda waxaa ay sheegen inay baaritaan ku sameynayaan sababaha keena Shilka gaari oo ay ku dhinteen labada qof ee Soomaalida ah ee ka dhacay duleedka Kampala.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment