750 Views

Dowlada Soomaaliya oo Go.aan Cusub kasoo Saartay Dharka ay Xiranayaan ardayda Dugsiga Hoose,Dhexe iyo Sare ee Dalka

Dowlada Soomaaliya oo Go.aan Cusub kasoo Saartay Dharka ay Xiranayaan ardayda Dugsiga Hoose,Dhexe iyo Sare ee Dalka
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 05, 2022

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa go’aan ka soo saartay nooca dharka ay qaadanayaan ardayda dhigata dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ee dalka, kaas oo la mideynayo wixii ka bilowda sanad dugsiyeedkaan 2022-2023.

“Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, waxaa ay ku wargelinaysaa Iskuulada, waalidiinta iyo guud ahaan Ardayda Soomaaliyeed in la dhaqan gelinaayo Siyaasada Qaran ee labiska ardayda heerarkooda Kala duwan laga bilaabo Sanad Dugsiyeedka Cusub ee 2022-2023,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu kala cadeeyey noocyada dharka ay qaadanayaan ardayda dhiganeysa fasallada kala duwan ee iskuulka.

Noocyada dharka hadda kadib loo ogolyahay ardayda ayaa kala ah, wiilasha dhigta dugsiga hoose Shaati cad iyo Surwaal buluug ah, markii uu u baaso dugsiga dhexe wuxuu qaadanayaa Shaati Jaalle ah iyo Surwaal cadeys ah, halka markii uu u gudbo dugsi sare uu qaadanayo Shaati cad iyo Surwaal cadeys ah.

Dhanka gabdhaha wasaaraddu waxay go’aamisay in gabdhaha dhiganaya dugsiga hoose ay xirtaan Xijaab iyo Goono buluug ah, markii ay gabadhu u baasto dugsi dhexe waxay xiraneysaa Xijaab iyo Goono jaalle ah, halka markii ay u baasto dugsi sare ay gabdhuhu xiranayaan Xijaab iyo Goono cadeys ah.

Go’aankaan lagu mideynayo dharka ay xirtaan ardayda dhigata dugsiyada kala duwan ee dalka ayaa saameynaya dhamaan iskuullada dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, sida ku cad bayaanka wasaaradda waxbarashada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post