765 Views

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 11, 2021—Danjiraha Safaarada Soomaaliya ee Dalka Suudan Amb Maxamed Sheikh Isxaaq iyo wafdi uu hoggaaminaayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle,Dr Cabdi Xakiim Luqaam ayaa maanta kulan la qaatay Xubin Katirsan Golaha Sare ee ka arrimiyo Dalka Suudan,taasi oo lagu magacaabo Marwo Caasho Muuse Saciid.

kulanka ayaa ka dhacay Xarunta Qasrigga Madaxtooyadda Dalka Suudan, halkaas oo ay goob jooga ahaa Agaasimaha Guud ee madaxtooyada Raami Ma’muun Bashiir.

Gudoomiyaha ayaa warbixin Guud ka siiyay xaalada Guud Dalka Soomaaliya iyo Midda Hirshabelle iyo xiriirka xoogan ee u dhaxeeya labada dowladood Sooamaliya iyo Suudan.

Danjiraha Safaarada Soomaaliya ee Dalka Suudan Amb. Maxamed sheikh Isxaaq ayaa umahadceliyay dowlada Sudan sida muuqata ee ay u garab taaganyihiin waqti walba dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Marwo Caasho Muuse saciid oo ah xubin ka mid ah Golaha sare ee ka arrimiyo Dalka Suudan ayaa soo dhaweysay booqashada Gudoomiyaha iyo Danjiraha u fadhiya dowlada Soomaaliya Dalka Suudan, iyadoo xaqiijisay inay muhiim tahay Guud ahaan horumarinta iyo xiriirarka labada dal,gaar ahaan horumarinta Ganacsiga iyo dhamaan kaaabayaasha dhaqaalaha ee labada wadan, sidoo kale xiirka walalanimo iyo Dhamaan danaha labada dowladood Soomaaliya iyo Suudan

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post