1011 Views

Hantida Robert Mugabe oo la Shaaciyay

Hantida Robert Mugabe oo la Shaaciyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December  04- 2019–Qoyska madaxweynihi hore ee dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa u gudbiyay maxkamad sare oo ku taalla magaalada Harare cadadka hantida uu ka tagay, taasoo la sheegay in qoysku uu rabo in si sharci ah loogu qeybiyo dhaxalka uu uga tagay Mugabe.

Wargeyska Herald ee ku hadla codka dowladda Zimbabwe ayaa Talaadadi sheegay, in gabadha Robert Mugabe, Bona, oo ku hadlaysay codka reer Mugabe ay maxkamadda sare u gudbisay cadadka hantida uu ka tagay oo lagu sheegay $10 million oo doollarka Mareykanka ah, beer, iyo dhowr guri, hase yeeshee lama sheegin inuu ka tagay wax dardaaran ah iyo in kale.


Qareenka qoyska ayaa sheegay in ay baadi goob ugu jiraan haddii ay jirto dardaaran uu Mugabe ka tagay, haddiise la waayo, hantida waxaa loo kala qeybi doonaa Grace Mugabe marwadi uu ka geeriyooday Mugabe iyo afar caruur ah oo uu dhalay.

Mugabe ayaa bishii September ee sannadkaan ku dhintay isbitaal ku yaalla dalka Singapore, laba sanno kaddib marki ay xisbigiisii Zanu-PF iyo milatariga ay xoog uga tuureen xakunka.

Wuxuu Zimbabwe soo xakumay muddo 37 sano ah.

 

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment