1314 Views

Maxkamada Gobolka Banaadir oo xukuntay qofkii dilay Xamdi Maxamed Faarax oo dil iyo kufsi loogu gestay Muqdisho Sanadkii hore.

Maxkamada Gobolka Banaadir oo xukuntay qofkii dilay  Xamdi Maxamed Faarax oo dil iyo kufsi loogu gestay Muqdisho Sanadkii hore.
____________________________________________________________________________

 April 28-2021

Maxkamada Gobolka Banaadir oo dhoor bilood gacanta ku heysay kiiska Xamdi Maxamed Faarax oo dil iyo kufsi la sheegay in sanadkii hore loogu geestay Hoteel kuyaala degmada Waabari ee gobolka Banaadir ayaa go’aan kasoo saartay kiiskaasi.

Kiiska Xamdi Maxamed Faarax ayaa waxaa u xirnaa sadex nin oo mid kamid ah laga soo qabtay magaalada Cadaado, ninkaas ayaana ahaa ninkii Xamdi Maxamed ka waday Suuqa Bakaaraha sidoo kale geeyay Hotelka lagu dilay.

Garsooraha Maxkamada ayaana xukun dil ah ku riday Maxamed Ibraahim Taagane oo Maxkamada ku heshay in isagu masuul ka ahaa dhimashada Xamdi Maxamed Faarax oo aheyd gabar 19-sano jir aheyd.

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa sidoo kale la sheegay in ay amartay in lasii daayo labada nin kale ee kiiskan u xirnaa oo kala ahaa ninkii Waardiyaha ka ahaa hotelka dilku ka dhacay iyo ninkii degnaa qolka uu dilku ka dhacay.

Ehelada Xamdi Maxamed Faarax ayaa sheegay in aysan ku qanacsaneyn xukunka ay riday Maxkamada gobolka Banbaadir gaar ahaan labada nin ee maxkmaada sii deysay,. waxa ayna sheegeen in racfaan ka qaadan doonaan xukunkaasi.

Xamdi Maxamed Faarax ayaa la dilay kadibna dabaq dheer laga soo tuuray 11-kii bishii September ee sanadkii hore, waxaana dilka gabadhaasi si weyn uga carooday dadka Soomaaliyeed ee dalka iyo dibadiisa kunool.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post