1254 Views

Waare: “Haddii la waayo qofkii NISA qabato sidee dalka laga rabaa?

Waare: “Haddii la waayo qofkii NISA qabato sidee dalka laga rabaa?
____________________________________________________________________________


Aaxad: September 5, 2021

Madaxweynihii hore ee DG Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in kiisas kala duwan dalka ay ka dhaceen, si gaar ah waxa uu tilmaamay tan ku dhacday Ikraan Tahliil iyada oo la arkay muuqaallada ay duubeen Kaamirooyinka qarsoon CCTV.

Waare waxa uu soo jeediyay in si dhab ah loo eego dhacdooyinka joogtada ah sida dadka maqan, cabsida ugu weyn waxa uu ka muujiyay in qofkii lala baxo dib loo waayo, taasina meel halis ah ka dhigeyso Dalka sida uu hadalka u dhigay.

“Qof weliba gacanta ayuu dhabanka saartay, waxa ugu weyn ee laga cabsanayo waa in guryaha la iska baxo, Kiisaska waddankaan ka dhacay waxa ay Ikraan uga duwan tahay waa Dumar dhalinyaro ah oo hadda soo baxday” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweynihii hore ee DG Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa soo jeediyay in sharciga loo sinnaado si loo helo isla xisaabtan dhab ah isla markaana meesha looga saaro halista ka muuqata dalka sida uu hadalka u dhigay.

Maxamed Cabdi Waare waxa uu ku biirayaa mas’uuliyiin & shaqsiyaad kala duwan oo ka falceliyay Kiiska Ikraan Tahliil oo la waayay raq & ruuxeeda 26-kii June 2021, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa 4-tii September 2021 ballanqaaday in uu ka dabatagayo kiiskaan.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post