1944 Views

Caalamka oo shaki ka muujiyay sharaxaada Sacuudiga ee geerida Khashoggi

Caalamka oo shaki ka muujiyay sharaxaada Sacuudiga ee geerida Khashoggi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 21, 2018 —Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu sheegay inuusan ku qanacsanayn sida xukuumadda Sucuudiga ay uga hadashay dilka weriye Jamaal Kaashogji.

Wuxuu sheegay inay suuragal tahay in dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan uusan ka war haynin dilka wariyaha.

” Aniga kuma qanacsani warbixinta tan iyo inta laga helayo jawaab cad’ ayuu yiri Trump.

Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International, ayaa sheegtay in xukuumadda Riyadh ay isku dayayso in ay iska nadiifiso khaarajinta iyada oo ku andacoonaysa in uu ku dhintay dagaal iyo gacan qaad ka dhacay gudaha qunsuliyada Istanbul.

Dhanka kale saraakiisha Turkiga ayaa waxay wacad ku mareen in ay soo bandhigi doonaan faafaahinta ku saabsan dilka weriye Jamal Khashoggi, kadib markii Sacuudiga uu markii ugu horeeysay aqbalay in Jamal lagu dilay gudaha qunsuliyadda Sacudiga uu ku leeyhay magaalada Istanbul.

Dowladda Faransiiska ayaa dhankeeda sheegtay in ay jiraan su’aalo badan oo aan wali laga jawaabin.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska Jean-Yves Le Drian, ayaa dalbadan in la sameeyo baaritaan buuxa.

Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel, ayaa dhankeeda sheegtay in bayaanka Sacuudiga uu yahay mid aan dhamaystirnayn oo looga baahan yahay in dilka saxafiga ay faafaahin ka bixiyaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment