1266 Views

Ciidanka Kumaandooska ee Danab oo war ka soo saaray hawlgal qorshaysan ay saaka ka fuliyeen degaanka Jilib-marka

Ciidanka Kumaandooska ee  Danab oo war ka soo saaray hawlgal qorshaysan ay saaka ka fuliyeen degaanka Jilib-marka
____________________________________________________________________________

April 30-2021

Ciidanka Kumaandooska dowladda Federaalka Soomaaliya ee loo yaqaan Danab ayaa war ka soo saaray hawlgal qorshaysan ay saaka ka fuliyeen degaanka Jilib-marka  ee gobolka Shabeellada hoose.

Taliska Danab ayaa shaaciyay in hawlgalkaas lagu gubay gaari qaraxyo siday kaas oo Al-shabaab doonayeen in ay hawlgalo ku fuliyaan islamarkaana ku dhibaateeyaan dad shacab ah.

Gaariga la gubay oo noociisu ahaa SURF  ayay Al-shabaab doonayeen in ay geliyaan gudaha magaalada Muqdisho kadibna qaraxyo ku fuliyaan sida ay sheegeen saraakiisha

Danab waxay sheegtay sidoo kale in ay burburiyeen fariisimo Al-shabaab ku lahaayeen degaanka Jilib-marka halkaas oo gebi ahaanba Al-shabaab isaga baxeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post