801 Views

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Amison oo soo bandhigay qorshe lagu xoojinayo howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Amison oo soo bandhigay qorshe lagu xoojinayo howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 16 2021–Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal odowaa Yuusuf Raage ayaa ka qeyb-galay Kulan labo maalmood soconayay oo lagu qiimeynayay guulaha laga gaaray howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab gaar ahaan guulaha ciiidamada xoogga ay ka gaareen howl-galadii ugu dmabeeyay ka dhacay qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka.

Kulan waxaa goob joog ka ahaa hogaanka saraakiisha ciidamada howl-galka midowga Africa ee Amison iyo wakiilka midowga Africa uqaabilsan Howl-galka ciidamada Amison ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira saraakiil ka socotay xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, xubno ka sacday UK Mission iyo qaar ka mid ah saaxiibada kale ee Soomaaliya ka caawiyo Amniga.

Waxaana Gabagabii lagu soo bandhigay qorshe mideysan oo ka dham ah argagxisada kaasi oo ay si wadajir ah ufulinayaan Ciidamada Amison ee kuwa xoogga dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Odowaa Yuusuf Raage ayaa ku boriyay waxyaabaha kasoo baxay shirkaan ay noqdaan kuwa laga miro dhaliyay oo aysan qoraal ku koobneyn si dhibaatooyinka ay Al-Shabaab ku heyso shacabka looga dulqaado.

“Waxaa loo baahanyahay qorshaan inuu noqdo miro dhal si dalka looga saaro argagixisada dhibaatooyinka ku haya shacabka waana muhiim inaan si wadajir ah uga shaqeyno”

Dhankooda hogaanka ciidamada amison ayaa soo dhaweeyay waxaana ay sheegeen inay xoojinayaan howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab oo qeyb-ka ah waxyaabaha loo ekmday

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post