1338 Views

War deg deg ah: Ciidamada Ahlu Sunna oo la wareegay gacan ku heynta deegaanka Ceeldheere

War deg deg ah: Ciidamada Ahlu Sunna oo la wareegay gacan ku heynta deegaanka Ceeldheere
____________________________________________________________________________

Sabti: October 2, 2021

Waxaa goor dhawayd Ciidamada Ahlusuna ay la wareegeen Deegaan Muhiim u ah isku socoda Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda Ahlu Sunna ay  saakay qabsadeen Deegaano hor leh oo ka tirsan Galgaduud.

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa goor dhawayd  la wareegay gacan ku heynta deegaanka Ceeldheere oo qiyaastii 30 KM u jiray degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

.

Sidoo kale Deegaanka ay saakay Qabsadeen ee Ceeldheere ay muhiim u tahay dadka ka imaanaya dhuusamareeb ee imaanaya Guriceel, waxaana la sheegay in Ciidamadii Dowlada ee ku sugnaa halkaas ay iskaga baxeen saakay aroor hore.

.Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa nawaaxiga magaalada Dhuusamareeb oo ay haatan isku horfadhiyaan labada dhinac.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post