900 Views

Wafdi sare oo ka socda Kenya oo ku wajahan Hargeysa

Wafdi sare oo ka socda Kenya oo ku wajahan Hargeysa
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 08  2020-Magaalada Hargeysa ayaa waxaa la filayaa in uu dhawaan safar gaaban ku tagaan Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya marna soo noqday hoggaamiyaha mucaaradka dalkaas Raila Odinga.

Sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah tallaabadan ayaa waxaa ay ka dambeeysay kadib markii dhawaan wufuud kala duwan ay is dhaafsadeen Dowladda Kenya iyo Maamulka Soomaaliland oo xiriir wanaagsan leh sanadihii la soo dhaafay.

Raila Odinga ayaa kal hore sheegay in Somaliland mudan tahay aqoonsi ay Beesha caalamka ka hesho,isla markaana xisbiga uu ka tirsanyahay uu ka shaqayn doono sidii mooshin lagu taageersanyahay qadiyadda Somaliland loo hor gayn lahaa Baarlamanka Kenya.

Dhawaan waxaa Magaalada Hargeysa tegay wafdi uu hoggaaminayo hoggaamiyaha xildhibaanada laga tirada badan yahay ee baarlamaanka Kenya Junet Mohamed, iyaga oo la kulmay mas’uuliyiin uu kamid yahay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post