582 Views

Qarax Miino oo ka dhacay degmada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan.

Qarax Miino oo ka dhacay degmada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan.
____________________________________________________________________________

 Sabti: July 23, 2022

Khasaare isugu jiro Dhimasho iyo dhawac ayaa ka dhashay qaraxa miino oo ka dhacay Degmada Buulo-burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Inta ka xariiqay Saddex askri oo ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa Ku Geeriyooday, halka laba kalana uu soo gaaray dhaawac sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Degmadda Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan.

Qarax ayaa la sheegay inuu ka dhacay nawaaxiga Xerro Ciidamadda Jabuuti ay ku lee yihiin Dhanka Kofureed ee degmada Buulo-Burde, waxaana qaraxa kadib Goobta gaaray Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kaamaha cafimaadka, oo gurmad u fidiyay Askartii ku dhaawacantay Qaraxa.

Laamaha amniga degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan wali kama aysan hadlin Qaraxa mana jirto Cid sheegtay masuuliyadda qaraxa.

Office  Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post