1158 Views

Guterres: “Somaliya carruurta ayaa lagu askareeyaa, dilaa oo lagu afduubtaa”

Guterres: “Somaliya carruurta ayaa lagu askareeyaa, dilaa oo lagu afduubtaa”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 30, 2019 —Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa golaha Qaramada Midoobey ka hor sheegay warbixin sanadeed ku saabsan xaaladda carruurta Caalamka.

 

Warbixintiisa waxaa uu ku sheegay in sanadkii 2018kii la dilay ama la dhaawacay 12, 000 Carruur ah guud ahaan goobaha colaadaha ee Caalamka.

 

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya 2,300 Carruur ah qaarkoodna ka yaryihiin  8jir ay intooda badan Al-shabaab qorteen.

 

Warbixinta ayaa xustay in  al-Shabab kordhiyeen qorista carruurta tirada Qaramada Midoobey u diiwaangashanna gaareyso  1,865 oo Carruur ah.

 

Guterres ayaa warbixintiisa ku sheegay in Carruurta Soomaaliya la afduubo, la dilo, lana askareeyo si sharci darro ah isaga oo ku baaqay in arrintaas laga waantoobo.

 

Dalalka ugu badan ee Carruurta lagu dhibaateeyay 2018 ayuu Guterres ku kala sheegay dalka Jamhuuriyadda Afrikada dhexe, Colombia, Libya, Mali, Nigeria, Somalia, the Sudan iyo Yemen.

 

Soomaaliya waxaa ay booska 1aad ka gashay waddamada lagu dhibaateeyay Haweenka sanadkii 2018kii waxaana la dhibaateeyay, waxaana laga diiwaangeliyay kiisas gaaraya 331 kiis, waxaa kaalinta 2aad galay dalka Congo oo laga diiwaangeliyay 277 kiis oo ka dhan ah Haweenka.

 

Sidoo kale Warbixinta ayaa xustay in Somaliya ay kaalinta 1aad ka gashay Waddamada lagu afduubto carruurta waxaana sanadkii la soo dhaafay la qafaashau 1,609. Oo Carruur ah sida uu sheegay Guterres.

 

Isha: AP

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment