1035 Views

Madaxweynaha Puntland oo Garoowe dhagax-dhigay shan waddo oo laamiya.

Madaxweynaha Puntland   oo  Garoowe dhagax-dhigay shan waddo oo laamiya.
____________________________________________________________________________

June 7 2021

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Isniin ah Garoowe ka dhagax-dhigaya shan waddo oo laamiya, kuwaas oo la doonayo in dhismahooda laga bilaabo caasimadda.

Madaxweynaha oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha kala duwan ee dowladda, maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe ayaa sida qorshaysan saacadaha soo socda dhagax-dhigaya shantan waddo oo dhowaan laami la saari doono.

Sidoo kale, Garoowe waxa ka socda barnaamijka cagaarinta caasimadda oo dhirayn loogu samaynayo magaalada, si loo hagaagiyo bilicda iyo dhallaalka caasimadda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post