384 Views

Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Oo Bilaawday Ololaha Talaalka Jadeecada

Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Oo Bilaawday Ololaha Talaalka Jadeecada
____________________________________________________________________________

Isniin: OCTOBER 3, 2022

Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa daah-furtay Ololaha talaalka jadeecada oo socon doona muddo 5 maalin ah, waxuuna ka dhici doonaa Degmooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba ee Gobolka Baay iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Talaalkan. ayaa la qorsheeyay in la siiyo Carruurta gaareyso 224,700 kun oo si loo xakameeyo cudurka  jadeecada ah ee soo laablaabtay.Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Mudane Cabdi Cali Dogey, ayaa si rasmi ah u furay waxaana kala soo qeyb galay Madax ka socotay Caafimaad Plus iyo UNICEF, qaar ka mid ah Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Caafimaadka iyo shaqaalaha kale ee Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa Iskutagga Caafimaad Plus (ACF&SOS), UNICEF iyo WHO oo fududeeysay qabsoomida Ololaha Talaalka JADEECADA.

Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa wada dadaalo lagu xakameynaayo cudurka jadeecada, waxayna bulshada ku wacgelinaysaa inay qaataan talaalka.

Office Nairoibi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post