624 Views

Shan Ruux oo ku dhimatay gantaal lagu dhuftay anteenada TV ga magaalada Kyiv goor dhawayd oo caawa ah

Shan Ruux oo  ku dhimatay gantaal lagu dhuftay anteenada TV ga magaalada Kyiv goor dhawayd oo caawa ah
____________________________________________________________________________

 Talaado: March 1, 2022

Kooxaha gargaarka degdega ah ee Ukraine ayaa waxay sheegeen in shan ruux ay ku dhimatay weerar Ruushku ku qaaday anteenada television ka Kyiv.

Ma cadda in anteenada qudheeda la beegsaday maadaama ay wali taagan tahay, laakiin qaraxa gantaalka wuxuu hawada ka saaray qaar kamid ah warbaahinta Kyiv.

Sidoo kale Shaqaalaha gargaarka deg-degga ah ayaa sheegaaya in qeyb ka mid ah dhismo weyn oo uu dhow xafiiska maamulka gobolka ee magaalada Kharkiv uu soo dumay, dad badan ay ku xanibanyihiin burburka hoostiisa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post