501 Views

WHO oo sheegtay in wali Covid-19 uu dunida ku sii fidaayo

WHO oo sheegtay in wali Covid-19 uu dunida ku sii fidaayo
____________________________________________________________________________

Arbaco: April 27, 2022

War digniin ah oo xalay ka soo baxay Ururka Caafimaadka Adduunka, ayaa lagu sheegay  in hoos u dhaca tijaabooyinka Covid-19, ay keentay in xanuunkan uu ku  sii fido Caalamka, isagoo sameeynaayo isbeddello halis ah.

William Rodriguez, oo madax ka ah Ururka Cilmi-baarista Caalamiga ah ee “FIND”, ayaa sheegay in bilihii la soo dhaafay Dowlado badan ay si fudud u joojiyeen baaritaanka Covid-19, taasi oo sahashay inuu faafo Xanuunkan.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaa sheegtay in afartii bilood ee la soo dhaafay, uu sare u kacay faafitaanka Omicron, taasi oo keentay heerka baaritaannada oo hoos u dhacay 70 ilaa 90 boqolkiiba adduunka oo dhan.

Sida laga soo xigtay tirokoob ay sameeysay WHO, waxaa xanuunkan u geeriyootay in ka badan Lix milyan oo qof tan iyo markii ugu horreysay ee uu Feyruskan ka soo ifbaxay dalka Shiinaha dabayaaqadii sanadkii 2019.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post