687 Views

Gabar dhallinyaro ah oo maalin cad lagu dilay magaalada Aurangabad ee dalka Hindiya.

Gabar dhallinyaro ah oo maalin cad lagu dilay magaalada Aurangabad ee dalka Hindiya.
____________________________________________________________________________


isniin: May 23, 2022


Gabar dhallinyaro ah ayaa maalin cad lagu dilay magaalada Aurangabad ee dalka Hindiya.

Waxaa la sheegay in gabadha uu dilay nin jeclaa oo aysan iyadu daneyn jirin.

Booliska waxay xireen nin looga shakisan yahay dhacdadan, waxayna sheegeen inay horgeyn doonaan maxkamad.

Gabadhan oo lagu magacaabi jiray Kashish Pritpal Granthiayaa aheyd aradayad wax ka dhigta kuleej ku yaalla Hindiya.

Ninka oo lagu magacaabo Sharan Singh Sethi ayaa in muddo ah ku raad joogay, qoyska gabadha ayaa ninka kala hadlay arrintan, inkasta uusan ka harin.

Waxaana la sheegay in gabadha markii dambe uu bir af-leh ka geliyay qoorta iyadoo dhiig bax u dhimatay, ninkan dhibaatada geystay ayaa goobta isaga cararay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post