1254 Views

Al-shabaab oo weerar ka fuliyay Gobolka Wajeer ee Waqooyi bari Kenya.

Al-shabaab oo  weerar ka fuliyay Gobolka Wajeer ee Waqooyi bari Kenya.
____________________________________________________________________________

May 26 2021

Dabley hubeysan oo  ka tirsan Al-shabaab, ayaa saacadihii lasoo dhaafay weerar ka fuliyay Gobolka Wajeer ee Waqooyi bari Kenya.

Al-shabaab ayaa weerartay guriga sarkaal ka tirsan dowladda Kenya, sida laga soo xigtay warbaahinta maxalliga ah ee dalkaas.

Sarkaalka ayaa la sheegay wakhtiga weerarku dhacay in uu guriga ka maqnaa, waxaase ku dhintay wiil uu dhalay oo halkaas joogay.

Sarkaalkaas ka tirsan Ciidanka Kenya ee Gobolka Wajeer laguna magacaabo Nuur Jibriil ayaa tilmaamay inay baxsadeen raggii ka dambeeyay weerarii dhacay, ayna ku raad joogaan xubnaha hubeysan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post