693 Views

Wasiir Khaliif oo markale ku guuleystay doorashada kursiga HOP-032.

Wasiir Khaliif oo markale ku guuleystay doorashada kursiga HOP-032.
____________________________________________________________________________


Axad: February 27, 2022

Waxaa si rasmi ah Magaalada Beledweyne ugu bilaabatay doorashada kuraas ka mid ah kuwa Aqalka Hoose ee Baarlamaanka 11-aad iyadoo la doortay Kursigii ugu horreeyay oo ka mid ah kuwa deegaan doooorashadoodu tahay Magaaladaasi.

Khaliif Cabdi Cumar oo ah Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa markale ku guuleystay doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#032, Isagoo helay 81 Cod.

Sidoo kale, Axmed Cumar Gureey oo la tartamayay Xildhibaanka ayaa isna helay 10 Cod, waxaana halaabay 7-cod, kadib doorasho ka dhacay maanta Magaalada Beledweyne ee Xarunta G/Hiiraan oo ah deegaan doorshada 2-aad ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post