915 Views

Ukraine oo shaacisay tirada ciidamada guud ee dagaalka uga dhimatay

Ukraine oo shaacisay tirada ciidamada guud ee dagaalka uga dhimatay
____________________________________________________________________________

Axad:: April 17, 2022

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in 3,000 oo askari oo u dhashay Ukraine ay ku dhinteen dagaalka uu Ruushka kula jira halka 10,000 oo kalena ay dhaawacmeen tan iyo markii uu bilowday duulaanka.

Bil ka hor, Zelensky wuxuu qiyaasay in ku dhawaad ​​1,300 oo askari oo ay dhinteen. Balse labada jeerba, wuxuu ku andacoodey in askar badan oo Ruush ah sidoo kale la dilay.

BBC-da uma suragelin inay si madax banaan u xaqiijiso tirooyinkan, oo aanay ku jirin dad rayid ah. Labada dhinac ee uu dagaalka dhexmartay ayaa si joogta ah u sheeganayey khasaaraha soo kala gaaray midba midka kale – inta badanna aad uga badan inta ay tirada rasmiga ah.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa Jimcihii sheegay in caalamka uu u toog hayo suuragalnimada ah in Ruushka uu duqeyn nukliyeer ah u adeegsan doono dalkiisa.

Zelensky oo u warramay telefishinka CNN ayaa sheegay in walaac xooggan uu ku abuuray hadal uu sheegay agaasimaha CIA oo tilmaamay in Ruushka uu si xeeladaysan hubka nukliyeerka ugu adeegsan karo colaadda Ukraine.

“Ma aha mid ii gaar ah, balse waa walaac uu qabo caalamka oo dhan. Waxaa suuragal ah in xogtaas ay dhab tahay ama ay noqon karto mid been ah,” ayuu yiri Madaxweynaha.


Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post