876 Views

Xuska Maalinta cunnada Adduunka iyo Maalinta beeraleyda Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska Maalinta cunnada Adduunka iyo Maalinta beeraleyda Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Sabti: October 16, 2021

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu xusayey Maalinta Cunnada Adduunka iyo Maalinta Beeraleyda Soomaaliyeed

Mas’uuliyiinta ka tirsan Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya, madax ka socotay maamul Goboleedyada, Aqoonyahano, iskaashatooyinka Beeraleyda, Ganacsato iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay xafladan oo loogu dabaaldagayey laba munaasabadood oo kala ah maalinta Cunnada adduunka iyo maalinta Beeraleyda Soomaaliyeed oo ay sanad walba Maanta oo kale xusto Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya oo kaashaneysa Hey’adda Cunada adduunka ee FAO.

Munasabada oo lagu soo bandhigay heeso iyo ruwaayado ka tarjumaya qiimaha wax soo saarka iyo tabcashada Beeraha ayaa ugu horeyn Mas’uuliyiinta ka hadlay waxay dul istaageyn waxyaabaha u qabsoomay Wasaaradda Beeraha iyo sida ay muhiim u tahay Garab istaaga iyo dhiirigelinta Beeraleyda iyo kobcinta wax soo saarka dalka.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid oo munasabadda soo xiray ayaa sheegay inay sii wadi doonaan  Horumarinta Beeraleyda iyo xoojinta sugnaanta cuntada si uu dalka u gaaro isku filnaansho dhanka cuntada ah oo dhameystiran.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post