1161 Views

SAWIRO:-Maxey ka wada hadleen Wakiilka QM & Madaxweynaha Somaliland?

SAWIRO:-Maxey ka wada hadleen Wakiilka QM & Madaxweynaha Somaliland?
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 09, 2020—Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefdi uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan.

 

Kulanka ayaa diirradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo salka ku haya xiriirka wada-shaqayneed ee Somaliland iyo qaramada midoobay u dhexeeya iyo dareenka ay Somaliland ka qabto kaalinta ay qaramada midoobay iyo beesha caalamkuba kaga jiraan horumarka Somaliland.

 

 

 

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliland Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon) oo markii kulanku soo dhammaaday saxaafadda la hadlay, ayaa shaaciyey in madaxweynuhu wakiilka qaramada midoobay u guntay farriimo kala duwan oo la xiriiraa horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay muddadii ay jirtay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yiri.

 

“waxyaabo badan baa kulanka lagaga wada hadlay, arrimo badan baa la isla soo qaaday oo ay madaxweynaha iyo wefdigu ka wada hadleen, arrimaha ugu muhiimsanna waxa kamid ah waxa ay Somaliland u gudbisay wakiilka inuu xoghayaha guud ka gaarsiiyo farriimo ay kamid yihiin in muddo Soddon sanno ah ay Somaliland hanatay oo ka shaqaysay qaddiyaddeeda iyo madax-bannaanideeda oo ay danaheeda dhammaamtood iyadu gacanta ku hayso, haddii ay tahay dhulkeeda, baddeeda, hawadeeda iyo maamulkeedaba, mid walbana ay ku guulaysatay inay ka shaqayso nabaddiisa iyo xasiloonidiisa.”

 

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu hoosta ka xarriiqay in xukuumadda Somaliland ay muujisay walaaca ay ka qabto kaalmada ay qaramada midoobay iyo dalalka kale ee caalamkuba bixiyaan iyo sida ay u saluugsan yihiin.

 

Waxaa kale oo Wasiirku sheegay inay wakiilka ka codsaden inuu farriin ahaan u gudbiyo xoghayaha qaramada midoobay in saluug weyni kaga jiro waxtarka, dhaqaalaha iyo deeqaha laga helo jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa iyo dalalka kale ee caalamka, haddii ay tahay dhinaca dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha, shaqo-abuurka iyo caawinta iyo arrimaha ay bulshadu u baahan tahay ee waxbarashada.

 

Wasiirku waxa uu sidoo kale sheegay inay ergayga u xaqiijiyeen inay Somaliland ka gudubtay dhammaanba wixii khilaaf ahaa, islamarkaana ay ka dhammaysatay wixii khilaaf ahaa ee dhexdeeda ka jirey, isaga oo madaxweynuhu u sheegay wakiillka inay Somaliland diyaar u tahay inay la garnaqsato Soomaaliya oo kala dooddo arrimaha masiiriga ah.

 

Dhinaciisa, wakiilka gaar ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay Ambassador James Swan oo isaguna kulanka kaddib warbaahinta la hadlay waxa uu caddeeyey inay qaramada midoobay ka go’an tahay inay sii wadaan hawlaha shaqo iyo mashaariicda ay ka wadaan gudaha Somaliland, islamarkaana ay xukuumadda Somaliland uga mahadnaqayaan sida habsamida leh ee ay u wada shaqeeyaan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment