591 Views

Wiilkii waddanka Marooko laga soo saaray godkii uu shan maalmood ku jiray oo geeriyooday

Wiilkii waddanka Marooko laga soo saaray godkii uu shan maalmood ku jiray oo geeriyooday
____________________________________________________________________________


Axad: February 6, 2022

Wiilkii shan jirka ahaa ee u dhashay waddanka Marooko ee muddada shanta maalmood aheyd ku xayirnaa ceelka ayaa geeriyooday.

Bayaan ka soo baxay boqortooyada ayaa lagu shaaciyay geerida wiilka waxyar uun kaddib markii laga soo saaray ceelka kaddib dedaal muddo dheer qaatay oo la doonayay in lagu soo samatabixiyo.

Boqor Maxamed-ka 6-aad oo ah boqorka dalkaasi Marooko ayaa u tacsiyeeyay waalidiinta dhalay Rayan.

Iskudaygii lagu doonayay in wiilkaas godka loogaga soo saaro ayaa waxa uu soo jiitay indhaha dadka dalkaasi, iyadoo boqollaal qof ay isugu soo uruureen ceelka halka kumannaan kun oo kalana ay dhacda kala socdeen dhanka online-ka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post