15393 Views

Madaxweynaha Galmudug oo baaq u diray mucaaradka maamulkiisa

Madaxweynaha Galmudug oo baaq u diray mucaaradka maamulkiisa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 10, 2018 – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa xubnaha mucaaradka ah ugu baaqay in aysan ka shaqeyn duminta maamulkiisa.

Madaxweyne Xaaf ayaa hadalkan sheegay kadib markii shalay lagu soo dhaweeyay magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna ka soo laabtay magaalada Kismaayo oo uu kaga soo qeyb galay shirka dowlad goboleedyada.

Wuxuu sheegay in la isku qaban karo arrimo siyaasadeed, balse wuxuu ka dalbaday xubnaha dhaliilsan siyaasadiisa in aysan marnaba qaadan qorshe ku aadan duminta maamulka Galmudug.

“Wax waa la mucaaradaa, laakiin mucaaradnimadaada waa inay ahaataa mid wax dhiseysa, ma fiicno mucaaradnimo wax dumineysa, ummadda hala wacyi geliyo dadka haloo sheego waxa wanaagsan, shirka wuxuu ahaa go’aan wacyi gelin ah, xumaan ma aheyn waxa ka soo baxay shirka”. Ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Shirkii Sabtidii ina dhaaftay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Kismaayo ayaa qodobadii ugu waa weynaa ee laga soo saaray waxaa ka mid ahaa in maamul goboleedyada ay hakiyeen wada shaqeyntii ay la lahaayeen dowladda dhexe.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment