870 Views

Hey’adda hubinta tayada Koonfur Afrika oo sheegtay ineysan oggolaan doonin tallaalka Sputnik ee Ruushku sameeyey

Hey’adda hubinta tayada Koonfur Afrika oo  sheegtay ineysan oggolaan doonin tallaalka Sputnik ee Ruushku sameeyey
____________________________________________________________________________

 Talaado: October 19, 2021

Hey’adda hubinta tayada dawada iyo caafimaadka ee Koonfur Afrika, ayaa sheegtay ineysan oggolaan doonin tallaalka Sputnik V ee cudurka safmarka ee Covid19, ee uu Ruushku sameeyey, iyadoo cabsi laga qabo in isticmaalkiisu uu kordhiyo halista qaadista cudurka HIV/AIDS.

Hey’adda ayaa intaa ku dartey in shirkadda kasoo dalbadey iney ruqsad u siiyaan iney tallaal kaasi keento dalkooda, ay ku guul dareysatey xogta ku saabsan badqabka tallaalkan.

Hey’adda maamusha caafimaadka, ayaa ku nuux nuux satey in go’aanka ah inaan la oggolaan tallaalka Sputnik V la gaarey, kadib markii lala tashadey khuburada sayniska ee gudaha dalka Koonfur Afrika, iyo kuwa caalamiba, iyadoo sidoo kale la tixgaliyey xog la hayo.

Waxay walaac ka muujisay hey’adda adeegsida tallaalka Sputnik V ee cudurka Covid19 ee dalka Koonfur Afrika, oo ah meel ay ku badan yihiin cudurka HIV-ga, ayna ka digeyso gaar ahaan ragga qaata tallaalkani iney halis uggu jiraan qaadista HIV.

Dhawr wadan oo Afrikaan ah ayaa qaatey tallaalkan Sputnik V.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post