1419 Views

Wasiirka Maaliyada oo faahfaahiyay dadaallada deyn Cafinta

Wasiirka Maaliyada  oo faahfaahiyay dadaallada deyn Cafinta
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 10, 2018—Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle Wasiirka Wasaaradda maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay dadaallada deyn Cafinta ee ay waddo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in uu heshiis la gaaray Hogaanka Wold Bank,taasoo ku aadan in sare loo qaado dhaqaallaha Soomaaliya si uu dalku u gaaro isku filnaansho.

Wasiirka ayaa xusay in  Hay’adda IMF ay waddo dadaalladii ugu dambeeyay ee Soomaaliya looga cafin lahaa deynta lagu leeyahay si dalka uu helo dhaqaallo lagu dhiso kaabayaasha dhaqaallaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa yiri ”Maanta waxaan ka hadlay guusha aan ka soo gaarnay shirkii aan IMF kula soo galnay magaalada Nairobi, Madaxda IMF ee aan la shirnay waxay inoo cadeeyeen inaan ka soo baxnay shuruudihii na horyaalay, isla markaana aan cagta saarnay wadada rasmiga ah ee lagu gaarayo deyn cafinta Soomaaliya.”

Waxaa uu sidoo kale sheegay in dhawaan la dhisi doono Xafiisyadda Canshuuraha degmooyinka ,Hodan, Howlwadaag, Yaaqshiid, Wadajir iyo Howl wadaag.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment