1347 Views

SAWIRO:-Golaha Wasiirada oo markii ugu horeysay shir ka yeeshay Maqaamka Muqdisho

SAWIRO:-Golaha Wasiirada oo markii ugu horeysay shir ka yeeshay Maqaamka Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 08, 2019 Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen, Mudane Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta guddoomiyay shirka tubta siyaasadda loo dhanyahay oo looga hadlay Hannaanka dawladnimo ee Qaranka Soomaaliyeed iyo Maqaamka Caasimadda.

Kulanka maanta ayaa ugu horrayn waxaa looga dooday xulashooyinka Hannaanka dawladnimo ee Qaranka Soomaaliyeed uu yeelanaayo ee la midka ah hannaanyada dawladeed ee caalamka ka jira, waxaana la isku af-gartay in doodda la sii wado, natiijada kasoo baxdana lagu soo celiyo tubta siyaasadda loo dhanyahay.

Mas’uuliyiinta ka socday hay’adaha iyo wasaaradaha halbeegyada ku leh tubta siyaasadda loo dhanyahay ayaa sidoo kale ka dooday maqaamka caasimadda Soomaaliya ay ku yeelanayso hanaanka federaaliga ah ee dalka, waxaana xulashooyin sedax ah oo shirka lagu soo bandhigay iyana laga yeeshay dood ballaaran.

Ugu dambayn shirka ayaa looga hadlay wax-qabadkii tubta siyaasadda loo dhanyahay ee sedaxda bilood ee ugu horraysay sannadkaan 2019, iyada oo ku-simaha Ra’iisul wasaaruhu faray dhammaan hay’adaha iyo wasaaradaha halbeegyada ku leh tubta in ay soo gudbiyaan wax-qabadkoodii.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment