558 Views

Gudoomiyaha Gollaha Shacabka oo ka tacsiyeeyey dadkii ku dhintay qarixii ka dhacay magalada Jowhar

Gudoomiyaha Gollaha Shacabka oo ka tacsiyeeyey dadkii ku dhintay qarixii ka dhacay magalada Jowhar
____________________________________________________________________________

Isniin: July 18, 2022

Ku simaha madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Sheekh  Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo maamulka Dowlad goboleedka Hirshabelle uga  tacsiiyey dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii  shalay  ka dhacay magalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle.

Guddoomiya oo falkaasi ku tilmaamay mid fuleynimo ah ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga si looga hortago falalka guracan ee ay argagixisadu Ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa Alle ugu baryey dadkii ku dhintay Jannadii  Firdowsa ka waraabiyo kuwa ku dhaawacmayna Alle si deg deg ah ugu boogdhayo.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post