4644 Views

Ciidamo Milatari ah oo la wareegay Baladweyne

Ciidamo Milatari ah oo la wareegay Baladweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September  4, 2017 —- Wararka ka imanaya Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in magaaladaas ay maanta la wareegeen Ciidamo ka tirsan Kilatariga Soomaaliya.

Ciidamada ayaa tagay xarumaha Maamulka Gobolka Hiiraan sida Xarunta laga maamulo Gobolka,Buundooyinka Liiq liiqato iyo Buundaweyn,koontaroolka loo yaqaan Nuur Xawaad iyo meelo kale oo ka mid ah Magaalada Baladweyne.

Qaar ka mid ah Saraakiisha Gobolka ayaa sheegaya in amarkan uu dowladda dhexe ka socdo islamarkaana Ciidamadaas la amray in inta Hirshabeelle ka yeelaneyso Madaxweyne ay xaqiijiyaan amniga Magaalada iyada oo aysan rabshado ka dhicin.

Arrintan waxaa ay timid iyada oo magaalada Baladweyne uu ka jiro maamul uu magacaabay Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabeelle kaas oo Bishii August 14keedii ay xilka ka qadaeen XIldhibaannada Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle.

Maamulka Hiiraan ayaa horay u taageeray Cali Cabdullahi Cosoble oo Baladweyne kaga dhawaaqay in uusameynayo maamul cusub oo ka dhan ah Hirshabeelle,waxaase soo baxaya warar sheegaya in dowladda dhexe arrintaas diiddan tahay sidaasna u amartay Ciidamada Milatariga ah in amaanka Magaalada ay xaqiijiyaan.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment