822 Views

Dowladda Maraykanka oo Soomaaliya u soo diraysa Markab nooca dagaalka ah..

Dowladda Maraykanka oo Soomaaliya u soo diraysa Markab nooca dagaalka ah..
____________________________________________________________________________

Dowladda Maraykanka ayaa xeebaha Soomaaliya u soo diraysa Markab nooca dagaalka ah, kaas oo ka qayb-qaadanaya howlgalka daad-guraynta ah ee ciidamada Maraykanka looga saarayo gudaha Soomaaliya.

Markabkaas oo kuwa diyaaradaha Xambaara ah, waxaa lagu magacaaba USS Hershel ‘Woods’ Williams, waxaana uu todobaadyada soo socda bilaabi doonaan daadguraynta Ciidamada ku sugan Soomaaliya.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyey in markabka USS Hershel “Woody” Williams, oo u shaqeeya sida saldhig militari oo kale, loo soo diray xeebaha Soomaaliya, si uu u taageero howlgalka loogu magac daray OCTAVE QUARTZ.

Maraykanka waxa Soomaaliya ka jooga in ka badan 700 oo askari, kuwaas oo fuliya La-dagaallanka Argagixisada iyo tababar-siinta Ciidamada Soomaaliya, balse Madaxweyne Trump amar ku bixiyay in laga soo saaro Soomaaliya.

Markabka USS Hershel “Woody” Williams ayaa la filayaa inuu xeebaha Soomaaliya kusoo gaaro laba toddobaad gudahood, ayada oo ciidamada Mareykanka ay qasab tahay inay ka wada baxaan Soomaaliya kahor 15-ka Janaayo 2021, sida uu amray madaxweyne Donald Trump. Trump ayaa xilka ka degaya 20-ka Janaayo 2021.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post