9240 Views

Gobalka Banaadir oo bilaabay dhismaha wadada Wadnaha

Gobalka Banaadir oo bilaabay dhismaha wadada Wadnaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 13, 2016 – Wadada Wadnaha ee Magaalada Muqdisho oo muhiim u ah Isku socdka Gaadiidka iyo dadweynaha Magaalada Muqdisho, ayaa maamulka Gobalka Banaadir uu si rasmi ah uga billaabay howlo ballaaran oo Laami lagu Saarayo wadadaasi.

Wadada Wadnaha waxa uu burbur xoog leh kasoo gaaray burburkii iyo dagaalkii sokeeye ee 1991-kii ka dhacay waddanka Soomaaliya, taas oo Injineerada gacanta ku haya dhismaheeda sheegeen haddii la dhameystiro in ay kala yareyn doonto Mashquulka xoogga leh ee ka jiro wadada Maka Almukarama oo ah meesha kaliya ay si guud u wada isticmaalaan gaadiidka Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane oo maanta bartamaha Wadada Wadnaha Kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhaqaalaha ku baxaya dhismaha Wadada uu ka yimid Shacabka Soomaaliyeed, Qeybna uu ka yahay Mashruucii uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Ee Hal Doollar Ku Dhiso Dalkaaga.

“Wuu biloowday Mashruuca Dhismaha Wadada Wadnaha ee Magaalada Muqdisho, Waxa ay holbowle u tahay Isusocodka Magaalada, Dhismaha Wadada dhaqaalaha ku baxaya waxa uu ka yimid qeybaha bulshada oo ku dhiirraday in ay taageeraan Qorshaha Duqa Magaalada ee Hal Doollar ku dhiso Dalkaaga.

Xalane – Afahayenka Gobalka Banaadir

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sh Maxamuud, ayaa 15 May 2016 Xarigga ka jaray Waddooyin muhiim ah oo ku yaalla Magaalada Muqdisho, kuwaas oo uu dib u dhis ku sammeeyay Maamulka Gobalka Banaadir, waxaana qeybaha bulshada ay ku ammaaneen Dowladda Hoose ee Xamar, in ay soo kordhisay mashaariic dib loogu dhisay Waddooyinkii Magaalada Muqdisho ee ku burburay dagaalladii ka dhacay Soomaaliya.

wadada-wadnaha-1

 wadada-wadnaha-2wadada-wadnaha-4

.

.

_________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment