867 Views

Gobol Mareykanka katirsan oo shabeel baxsad ah lagu qabtay

Gobol Mareykanka katirsan oo shabeel baxsad ah lagu qabtay
____________________________________________________________________________

May 11, 2021

Nin loogga shakisan yahay inuu wax dilay ee gobolka Taxes kaas oo bannaanka ku joogay damaanad, ayaa dib loo xirey.

Ninkan dad daris la ah meel u daganaa waxey waceen booliiska, si ay ugu war geliyaan in shabeel uu ku dhax fakadey xaafad ku taalla magaalada Houston, oo ay sheegeen inuu leeyahay Hugo Cuevas.

Booliiska magaalada Houston, ayaa xaqiijiyey in Cuevas loo xirey ka baxsashada xiritaan booliis, ha yeeshee waxey intaa ku dareen inaaney ogeyn halka uu shabeelku jooggo.

Madaxa booliiska Ron Borza, ayaa u sheegay war fidiyeenka isniintii, in walwalka ugu weyn uu ahaa helitaanka Cuevas iyo xayawaanka.

In badan ayaynu dadka ku aragnay iney sameeyaan waxyaabo aan macquul aheyn. Waxeynu dooneynaa inaan soo qabano shabeelka, aananna geyno goob badqab leh, ayuu yiri Borza.

Avv Cuevas, oo la yiraaho Michael Elliott, ayaa sheegay in qofka rukunka u ah aanu aheyn qofka leh shabeelka, ama uusan xanaaneyn jirin.

Shabeelada in lagu dhex heysto gudaha magaalada Houston lama oggola, haddii aaney ku jirin beerta xayawaanaadka mooyee, ayey yiraahdeen booliisku.

Borza ayaa sheegay in dadku aaney habooneyn iney ku dhex heystaan magaalooyinka xayawaan noocan oo kala ah, maxaa yeelay lama qiyaasi karo waxa ka iman kara.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post