810 Views

Somaliland oo xukuntay dad jabiyay Amarkii ka hortagga Cudurka Corona virus

Somaliland oo xukuntay dad jabiyay Amarkii ka hortagga Cudurka Corona virus
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 30. 2020–Maxkamadda racfaanka gobolka Maroodi jeex ayaa ku xukuntay dadkii lagu soo qab qabtey Qaadka intii lagujiray bishii ramadaan oo xaaladii COVID-19 awgeed loo mamnuucay Qaadka.

Dadkii ku howlanaa keenista Qaadka ee jabiyay Amarka ayaa lagu xukumay inta dhaxaysa hal sano iyo laba bilood ilaa hal sano iyo afar bilood oo xarig ah.

Maxkamada ayaa sidoo kale ku xukuntay gaadiidkii lagu keenay qaadka inta u dhaxaysa 2 melyan oo shilinka Somaliland ah ilaa 4 milyan .

Maxkamada gobolka maroodi jeex ayaa hore ugu xukuntay in gaadiidkaasi ciidanka boolisku qaataan halka dadkii wateyna xarig intan ka badan lagu xukumay .

Somaliland ayaa horay u sheegtay in tilaabo waafaqsan Sharciga laga qaadi doono Cidwalba oo jabisa Amarka ku aadan ka hortaggida Cudurka Corona virus oo ay soo rogtay xayiraad.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post