894 Views

Ciidamo fara badan oo lagu arkaya waddooyinka Suudaan ee Khartoum iyo magaalada Omdurman

Ciidamo fara badan oo  lagu arkaya waddooyinka Suudaan ee Khartoum iyo magaalada Omdurman
____________________________________________________________________________


Talaado: September 21, 2021

Ciidamo fara badan ayaa lagu arkaya waddooyinka caasimadda Suudaan ee Khartoum iyo magaalada Omdurman kadib wararka la xiriiriyay in dalkaas uu ka dhacay afgembi dhicisoobay.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay taangiyada dagaalka iyo ciidamo ku sugan waddooyinka.

Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa sheegay inay dhaceen isku dayo la doonayay in lagula wareego raadiyaha dowladda ee ku yaalla Omdurman.

Warbaahinta dowladda ayaa ku eedeysay afgembiga dhicisoobay inay ka dambeeyeen koox daacad u ah madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Al Bashiir.

Office Nairoboi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post