972 Views

Amniga Magaalada Jowhar oo siweyn la adkeeyay

Amniga Magaalada Jowhar oo siweyn la adkeeyay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 14 |  2020—Ciidanka boliiska magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in amniga magaalada uu yahay mid leysku haley karo kaddib howlgalo ay ka sameeyeen dhammaan xaafadaha ay ka koobantahay magaalada Jowhar.

Taliyaha saldhigga boliiska caasimadda Jowhar dhamme Maxamed Siyaad Cali (Canjeex) ayaa tilmaamay in xaafadaha magaalada iyo bannaankeeda ay ku leeyihiin xarumo laga sugo ammaanka ayna ka sameeyaan howlgalo joogto ah.

Howlgallada sare loogu qaadayo ammaanka ayaa waxey ku soo aadayaan xilli Jowhar ay ka socdaan ololaha doorashada baarlamaanka 2-aad ee Hirshabeelle, waxaa soo dhaweeyay shacabka ku nool caasimadda maamulkaas.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post