291 Views

Wasiirka Difaaca Turkiga oo sheegay in 23 kamid ah mintidiinta ururka Kurdistan PKK lagu dilay weerar cirka ah, oo ka dhacay waqooyiga dalka Ciraaq.

Wasiirka Difaaca Turkiga oo  sheegay in 23 kamid ah mintidiinta ururka Kurdistan PKK  lagu dilay weerar cirka ah, oo ka dhacay waqooyiga dalka Ciraaq.
____________________________________________________________________________

Axad: OCTOBER 2, 2022

Wasiirka Difaaca Turkiga, Hulusi Akari, ayaa sheegay in 23 kamid ah mintidiinta ururka la mamnuucay ee Kurdistan Workers Party (PKK) in lagu dilay weerar cirka ah, oo ka dhacay waqooyiga dalka Ciraaq.

Weerarkan ayaa laga fuliyey deegaanka Assos, kaasoo dhaca goob 140 KM u jirta waqooyiga Ciraaq.

Turkiga ayaa inta badan duqeymo dhanka cirka ah ka geysta xuduudka dalka ay dariska yihiin ee Ciraaq, iyaga oo wata diyaarado hubeysan.

Mawqifka dowladda Turkiga ee ku wajahan xagjiriinta xisbiga shaqaalaha Kurdistan, ayaa mar waliba wuxuu yahay mid ku dhisan weerar iyo burburin.

Khamiistii, wasiirka gaashaandhigga, Hulusi Akari, ayaa sheegay in ciidanku ay toddobaad gudihiis duqaymo ku qaadeen 16 bartilmaameed, oo ku yaalla isla gobolka Asos.

Dagaal yahannada PKK, ayaa tan iyo sannadkii 1984-kii wada hawl gallo ka dhan ah Turkiga. Ilaa iyo haatan in ka badan 40 kun oo qof, ayaa lagu dilay dagaalka la u dhaxeeya labada dhinac, tan iyo markii uu soo bilawday.

Turkiga, Maraykanka iyo Midowga Yurub, ayaa ururkan u aqoonsan urur xag jir ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post